War Deg-Deg ah

Wareysi: Shir looga hadlay amniga suxufiyiinta oo ka dhacay Austria

Amniga Suxufiyiinta
Amniga Suxufiyiinta

Shir ay soo qabanqaabisay dowladda Austria ayna ka qeybgaleen hay’adda UNESCO iyo Guddiga Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay oo looga hadlayay amniga suxufiyiinta ayaa lagu soo gabagabeeyey magaalada Vienna ee dalka Austria.

Shirkan ayaa waxaa ka qeybgalay ururrada saxaafadda, waxaana laga soo jeediyey qodobo lagu doonayo in lagu hubiyo badqabka suxufiyiinta, dowladahana looga dalbanayo in aysan suxufiyiinta ku dhibaateyn gudashada waajibaadkooda.

Maxamed Bashiir Cabdiraxmaan ayaa arrimaha shirkan looga hadlay, iyo muhimadda uu Soomaaliya u leeyahay ka wareystay Maxamed Ibraahim Baakistaan oo ah Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee SJS oo ka mid ahaa mas’uuliyiintii shirka ka qeybgalay.

Wareysi: Shirka amniga suxufiyiinta.mp3

No media source currently available

XS
SM
MD
LG