Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wareysi: Safiirka Soomaaliya ee Sudan oo ka hadlay xaaladda Soomaalida


Qaraxyo ayaa Isniinta maanta ah ruxay caasimadda Sudan ee Khartuum, ayada oo dagaalka u dhaxeeya militariga iyo ciidamada sida militariga u tababaran ee ay kala hoggaamiyaan jeneraalada iska soo horjeeda uu gala maalinkii saddexaad.

Khasaaraha dhimashada dagaalka ayaa dhaafay 100 qof, sida laga soo xigtay kooxaha caafimaadka.

Qaar ka mid ah ardayda Soomaalida ah ee sugan caasimadda Khartuum ee dalka Sudan, ayaa sheegay inay doonayaan inay dawladda Soomaaliya ka daadgurayso dalkaas.

Haddaba xaaladda jaaliyadda Soomaalida ee dalka Sudan iyo qorshaha dawladda Soomaaliya ee muwaadiniintaas, waxaan ka waraysanay safiirka Soomaaliya ee dalka Sudan Maxamed Sheekh Isxaaq oo haatan ku sugan dalka Sucuudiga.

Haaruun Macruuf ayaa ugu horrayn weydiiyey xaaladda safaaradda Soomaalida.

Wareysi: Safiirka Soomaaliya ee Sudan oo ka hadlay xaaladda Soomaalida
please wait

No media source currently available

0:00 0:09:19 0:00

XS
SM
MD
LG