Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wareysi: Muxuu Jeneraal Indhoqarsho ka yiri kacdoonka ka dhanka ah Al-Shabaab?


Jeneraal Daahir Aadan Cilmi (Indhoqarsho)
Jeneraal Daahir Aadan Cilmi (Indhoqarsho)

Waxaa weli dalka ka socda abaabullada dadka degaanka ay wadaan ee ka dhanka ah ururka Al-Shabaab. Dawladda Soomaaliyana waxay ku baaqday in abaabullada lagu ballaariyo dhammaan dalka.

Ciidamada dawladda Soomaaliya oo taageero ka helaya kuwa degaanka ayaa degaano badan kala wareegay Al-Shabaab toddobaadyadii lasoo dhaafay.

Ururka Al-Shabaab waxay u hanjabeen beelaha taageeraya hawlgalka dawladda, hase yeeshee waxaan weli hakanin abaabulka socda.

Haddaba hawlgalladan iyo waxa ay ka beddeli karaan xaaladda amni ee waddanka ayaa Haaruun Macruuf uu ka waraystay Jeneraal Daahir Aadan Cilmi (Indhoqarsho), taliyihii hore ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.

Wareysi: Muxuu Jeneraal Indhoqarsho ka yiri kacdoonka ka dhanka ah Al-Shabaab?
please wait

No media source currently available

0:00 0:20:20 0:00

XS
SM
MD
LG