New York —
Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay muddo 53 sanadood ah loo doortay inay xubin ka noqoto 15-ka xubnood ee Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay.
Codeyntii loo qaaday ayey Soomaaliya heshay 179, sidaas ayey uga mid noqonaysaa golaha ammanka laga bilaabo Jannaayo 2025.
Haddaba ka mid noqoshada Soomaaliya ee xubnaha aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ayaa Haaruun Macruuf uu ka waraystay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya Axmed Macalim Fiqi oo ku sugan New York.
Madal