Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wareysi: Maxay masuuliyiinta dowladdu kusoo arkeen deegaannadii ay Al-shabaab weerarka ka geysatay?


Wafdi xildhibaano ah oo ka kala socdad labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya, iyo taliyeyaasha ciidadamada ayaa gaaray deegaanka Ceelbarde ee gobolka Bakool, halkaas oo deegaanada Yeed, Ato iyo Washaaqo oo ka tirsan ay Alsahbab weerar xooggan ka geysteen toddobaadkan.

Wali dagaalka Al-shabaab iyo ciidamada Liyu Booliiska ee dowlad deegaanka Soomaalida ayaa si goos-goos ah uga socdo buuraha gobolka Afdheere ee Itoobiya oo xuduud la leh gobolka Bakool ee dalka Soomaaliya.

Waxaa jirtay warar sheegay in ciidamada Liyuu Booliiska ee kasoo talaabay Xuduudda ayagoo Alshabab la dagaalamayo in lagu eedeeyey inay geysteen xadgudubyo dad shacab ah ay kula kaceen.

Xildhbaanada booqashada ku tagay shaley gobolkaasi waxa ka mid ah Xildhbaan Axmed Sheekh Maxamed (Mashruuc), waxaana uu u warramay Sahra Cabdi Axmed.

Wareysiga xildhibaan Mashruuc.mp3
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:10 0:00

XS
SM
MD
LG