Xaaladda abaaraha ka jira Soomaaliya ayaa la sheegayaa in bishan Maarso ay kasii dareyso. Guddiga heer qaran ee qurmadka abaaraha ayaa maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho.
Kulankan ayaa gudiga abaaruhu maanta ku yeesheen iyagoo kaga doodey sidii loo dardar gelin lahaa howlaha kaalmo ururinta iyo gurmadka dadka ay abaaruhu saameeyeen.
Adan Ibraahim Aw-Xirsi oo ka mid ah gudigaasi ayey Falastiin Axmed Iimaan ka wareysatey heerka abaaraha iyo kaalmooyinka ay helayaan gudigan? ugu horeyna waxay weydiisey sida ay hada tahay xaalada abaarta ee Soomaaliya?
Facebook Forum