Muqdisho —
Ciidamada dawladda Soomaaliya iyo kuwa degaanka ayaa toddobaadkii hore qabsaday degmadii u dambaysay gobolka Shabeellada Dhexe ee kusii jirtay gacanta ururka Al-Shabaab.
Qabashada Ruun-Nirgood ee 22-kii bishan waxaa ka horreeyey qabashadii Aadan Yabaal ee 5-tii Bishan ee isla gobolka Shabeellada Dhexe.
Haddaba wararkii ugu dambeeyey ee hawlgallada socda iyo halka ay ciidanku uga dhaqaaqi doonaan meeshan ayaa Haaruun Macruuf uu ka waraystay taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Odawaa Yuusuf Raage.