Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wareysi: Jeneraal Indhoqarsho oo ka hadlay bixitaanka ciidamada ATMIS


Jeneraal Daahir Aadan Cilmi (Indhoqarsho)
Jeneraal Daahir Aadan Cilmi (Indhoqarsho)

Doodo badan ayaa ka jira xaaladda amniga ee waddanka, xilli dawladda Soomaaliya mar kale ku celisay inay filanayso in hawlgalka Midowga Afrika ee ATMIS lasoo af-jaro dhammaadka sannadkan.

Mas’uuliyiinta dawladda ayaa sheegay in ciidamo ka mid ah kuwa ATMIS, oo ka kala socda Uganda, Kenya, Burundi iyo Jabuuti, ay kasii mid ahaan doonaan hawlgal kale oo beddeli doona ATMIS muddo hal sano ah, bals ciidamada Itoobiya ka socda ay bixi doonaan dhammaadka Diisambar 2024-ka.

Arrintan ayaa imanaysa iyadoo su’aalo la iska weydiinayo diyaar ahaansha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya. Haddaba xaaladda ciidanka Soomaaliya, sii joogitaanka ciidamo ajnabi ah iyo waxa dhici kara haddii ay baxaan ayaa Haaruun Macruuf uu wax ka waraystay taliyihii hore ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Jeneraal Daahir Aadan Cilmi “Indhoqarsho”.

Waxaa naga xusuusin ah inaan xilliyo kala duwan isku daynay inaan la xiriirno saraakiisha amniga ee dawladda federaalka Soomaaliya si aan wax uga weydiino xaaladda amniga iyo tan ciidanka iyo weliba hawsha hawlgalka cusub ee la sheegay inay xilka la wareegayaan Janaayo 2025-ka, hase yeeshee weli nooba suurtogelin inaan waraysano.

Wareysi: Jeneraal Indhoqarsho oo ka hadlay bixitaanka ciidamada ATMIS
please wait

No media source currently available

0:00 0:33:22 0:00

Madal

XS
SM
MD
LG