Garoowe —
Xildhibaanad Ilhaan Cumar oo dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay booqasho ku joogtay caasimadda maamul goboleedka Puntland ee Garoowe, ayaa sidoo kale booqatay degmooyinka Qardho, Bandar Bayla iyo Dhuudo.
Markii ay ka soo laabtay deegaannadaas ayaa waxaa khadka telefoonka ku waraysatay weriyaha VOA Faadumo Yaasiin Jaamac ugu horeyna waxay weydiisay ujeedadda socdaalka ay Puntland ku timid.