Beledweyne —
Shantii bilood ee lasoo dhaafay waxaa gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ka socday dagaal u dhexeeya qaar ka mid ah qabaa'ilka Soomaaliyeed iyo dowladda oo isku dhinac ah iyo Al-Shabaab oo kasoo horjeeda.
Dagaalladaasi waxaa Shabaabka looga qabsaday dhul ballaaran.
Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo hoggaaminayay howl-gallada gobolkaas ka socda ayaa shalay soo gaaray magaalada Muqdisho, iyadoo lagu wado in maalmaha soo socda uu la kulmo madaxda ugu sarreysa dowladda Soomaaliya.
Weriyaha VOA-da ee Muqdisho Cabdicasiis Barrow oo la kulmay ayuu u warramay, waxa uu ugu horreyn weydiiyay safarkiisa Muqdisho iyo waxa uu salka ku hayo.
Embed
share
Embed
share
The code has been copied to your clipboard.
The URL has been copied to your clipboard
No media source currently available