Muqdisho —
Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixiyey tallaabadii ay Soomaaliya markii ugu horraysay shatiyo ku siisay laba banki oo laga leeyahay dibedda.
Labada Banki ayaa lagu kala magacaabaa Banque Misr oo laga leeyahay dalka Masar iyo Ziraat Katilim oo laga leeyahay dalka Turkiga
Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi oo waraysi siiyey idaacadda VOA ayaa sheegay in labadan banki ay kasoo baxeen shuruudihii bankiga dhexe, isla markaana ay bixin doonaan adeegyada bankiyada ee shirkadaha.
Guddoomiyaha ayaa khadka telefoonka ugu warramay Haaruun Macruuf.