Maamullada Galmudug iyo Koonfur Galbeed ayaa maanta soo gaba-gebeeyey doorashada golaha shacabka Soomaaliya oo muddo dhowr bil ah socotay.
Balse, sidaas oo ay tahay, waxaa markale dib u dhacay in doorashada lagu soo gabagabeeyo waqtigii lagu talo-galay oo ku beegan maanta oo ah 15-ka March.
Maamullada Jubaland, Puntland iyo HirShabelle ayaa ay harsan yihiin inay qabtaan kuraas tiradoodu gaarayso ilaa 37 kursi, mana cadda xilliga ay soo gaba-gebeyn doonaan.
Haddaba Caasha Ibraahim Aadan ayaa dib u dhacan ka waraysatay afhayeenka Guddiga Heer Federaal ee Doorashooyinka Axmed Safiina.