Maamulka Galmudug ayaa faahfaahin ka bixiyay iska horimaadyo iyo howlagallo ka dhan ah kooxda Alshabaab oo ay kula wareegeen deegaanno dhowr oo hoos taga degmooyinka ceeldheer iyo Galcad ee gobolka Galguduud.
Wasiirka warfaafinta ee Galmudug Abshir Cabdi Shiiqow oo VOA-da u xaqiijiyay qabsashada tuulooyinkaasi ayaa dhinaca kale sheegay in qorshohooda uu yahay inay muddo kooban 'kaga sifeeyaan kooxda Alshabaab.'
Wariyaha VOA-da ee Galkacyo Cabdiwaaxid Maclin Isaaq ayuu u warramay.