Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wareysi: Faahfaahin ku saabsan safarka Muuse Biixi ee Washington

Muuse Biixi
Muuse Biixi

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Wafti uu hoggaaminayo oo Axaddii shalay soo gaaray magaalada Washington DC, ayaa maanta si rasmi ah u gudo galaya shaqooyinkii ay u yimaadeen dalka Mareykanka.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa waxaa casuumay hay’adda daraasaadka siyaasadda ee Heritage Foundation ee u janjeerta dhanka siysaadda midigta, halkaasi oo la filayo inuu khudbad ka jeediyo.

Madaxweynaha Somaliland ayaa la sheegay in muddada todobaadka ah ee ay joogaan ay kulamo la yeelan doonaan hay’ado iyo mas’uuliyiin kala duwan.

Wakiilka Somaliland ee dalka Maraykanka Bashiir Sheekh Cumar Goth ayaa Sahra Ciidle Nuur uga waramay hawlaha maanta u bilaabmaya.

Wareysi: Faah-faahin ku saabsan safarka Muuse Biixi ee Washington
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:29 0:00

XS
SM
MD
LG