Qaahira —
Madaxweynaha Masar Cabdilfataax Al-Siisi ayaa shalay ka taageeray Soomaaliya muranka kala dhexeeya Itoobiya, isaga oo sheegay in Masar aysan oggolaan doonin in dalna uu u hanjabo Soomaaliya iyo amnigeeda.
Hadalkaas ayaa Al-Siisi uu ka sheegay shir jaraa’id oo ay wada qabteen isaga iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Haddaba wafdiga madaxweynaha Soomaaliya ee la kulmay madaxweynaha Masar waxaa ka mid ahaa Ambassador Daahir Maxamuud Geelle, oo horey usoo noqday wasiirka warfaafinta Soomaaliya iyo safiirkii hore ee Soomaaliya u joogay dalka Sacuudiga.
Haaruun Macruuf ayuu uga warramay sida ay u dhacday booqashada madaxweynaha Soomaaliya ee dalka Masar.
Madal