Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wareysi: Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo qeyla-dhaan horleh kasoo saaray waxyeellada abaaraha


Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame
Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame

Ergayga Gaarka ah ee madaxweynaha ee gurmad abaaraha Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay in guud ahaan tirada dadka ay abaaruhu saameeyeen inay gaarayaan illaa 6.1 million oo qof oo u dhigmaysa wax ku dhow kala bar shacabka Soomaaliya, halka 2.8 million oo qof oo ka mida dadkaas ay xaaladoodu aad u daran tahay.

Ergayga madaxweynaha ayaa intaas ku daray in abaaruhu ay saameeyeen 72 degmo oo ka mida 84-ka degmo ee dalku ka kooban yahay, halka 6 degmo oo ka mida 72-ka degmo, ay haatan buuxiyeen dhammaan shuruudihii lagu aqoonsan jiray goobaha ay macaluushu ka jirto.

Haddaba xaaladda abaaraha ka jira Somalia iyo sida wax looga qaban karo ayaa Falastiin Axmed Iimaan ka wareysatay Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ah ergayga gaarka ee Soomaaliya u qaabilsan arrimaha abaaraha.

Wareysi: Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo qeyla-dhaan horleh kasoo saaray abaaraha
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:30 0:00

XS
SM
MD
LG