Muqdisho —
Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda ee Soomaaliya ayaa soo jeedisay in la xiro baraha isgaarsiinta bulshada ee TikTok, Telegram iyo 1xBet, laga billaabayo Khamiista soo socota.
Haddaba go’aankan dawladda waxaa kasoo horjeestay qaar ka mid ah dadka isticmaala baraha bulshada. Shaqsiyaadka caanka ah ee isticmaala TikTok waxaa ka mid ah Cabdulqaadir Cali Maxamuud oo loo yaqaan “Bilaal Bulshaawi” oo ay bartiisa ku xiran yihiin 1 milyan iyo 200 kun oo qof.
Waxa uu khadka telefoonka ugu warramay Jamaal Axmed Cusmaan.
Madal