Boosaaso —
Subaxnimadii Arbacda ee 26-kii June, waxaa meel 60 mayl u jirta dekadda magaaladda Boosaaso ku degtay dooni lagu magacaabo Al-Shamis 3 oo ay saarnaayeen 23 nin oo Soomaali ah, oo ay ka mid yihiin shaqaalhii doontaas.
Doonidan ayaa waxay ku socotay dekadda Boosaaso, waxayna siday shixnad badeecado ah oo ay ka keentay dalka Yemen, gaar ahaan magaalada Mukalla.
Axmed Siciid Macallin, oo ka mid dadka ka soo badbaaday doonta ku degtay badda u dhexaysa Boosaaso iyo Yemen, ayaa weriyaha VOA Faaduma Yaasiin Jaamac uga warramay sida ay doonidu u degtay iyo habka ay uga badbaadeen.
Madal