Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Warbixino ku saabsan tacsida iyo aaska Garaad Saleebaan Garaad Maxamed


Ehelka Garaad Saleebaan

Allah ha naxartiiste Garaad Saleebaan Garaad Maxamed Garaad Maxamuud oo ka mid ah Garaad dhaqameedyada ugu waaweyn gobolka Sool ayaa xalay ku geeriyooday magaalada Garoowe.

Isimo, iyo Garaado iyo odayaasha dhaqanka ee Gobolka Sool ayaa ka tacsiyeeyay geerida Garaadka.

Sidoo kale qoyska iyo ehelka Garaadka oo magaalada Garoowe shir ku yeeshay ayaa ku dhawaaqay in Garaadka Isniinta lagu aasi doono tuulada Sarmaanyo ee gobalka Sool. Waxaana ay ka codsadeen dhinacyada siyaasadda gobolka isku haya inaan la siyaasadeen aaska oo lagu casuumay siyaasiyiin kala duwan oo gobolkaas ka soo jeeda.

Warbixino ku saabsan tacsida iyo aaska Garaadka, waxaa soo diray weriyayaasha VOA Cabdikariim Olol iyo Nuux Muuse Birjeeb.

Warbixino ku saabsan tacsida iyo aaska Garaad Saleebaan Garaad Maxamed
please wait

No media source currently available

0:00 0:07:28 0:00

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG