Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxay tahay faa'iidada Soomaaliya ugu jirta ka mid noqoshada dalladda EAC?


Shir madaxeedkii dalalka ku bahoobay Daladda iskaashiga iyo dhaqaalaha ee dalalka Bariga Africa ee marka la soo gaabiyo la yirahdo EAC ee ka socday Magaalada Caruusha ee dalka Tanzania ayaa Jimcihii shalay isku raacay in la dedejiyo xaqiijinta iyo dabagalka codsi ay Somaliya u gudbisay dalladan oo ay dooneyso inay ku biirto.

Aqoonyahanadda geeska Africa ayaa sheegaya in Soomaaliya oo kamid noqota wadamada EAC ay muhiim u tahay wadamadaasi madaama Soomaaliya ay tahay wadan khayraad badan, islamarkaana ay bulshooyinka bariga Africa ay waxbadan ka faa’idi karaan.

Wariyaha VOA-da ee Kenya Khadar Maxamuud Xareed oo la hadlay qaar kamid ah aqoonyahannadda Soomaaliyeed ayaa warbixinta inooga soo diray Nairobi.

Soomaaliya iyo EAC.mp3
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:05:22 0:00

XS
SM
MD
LG