Nairobi —
Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa xalay fiidkii ku geeriyooday Allah ha u naxariistee majaajiliiste Cumar Cabdiwaxid Aadan- oo ay dadku ay u yaqaanaan Abwaan Geesi kaasoo toddobaadyadii lasoo dhaafay ku xanuunsanayay Isbitaal ku yaalla magaalada Nairobi.
Abwaan Geesi oo ahaa Abwaan dhallinyara ah ayaa waxaa uu samayn jiray riwaayadaha iyo filimada ay dhallinyaradu ku madadaashaan, isagoo horay u jilay riywaayado dhanka wacyigellinta iyo arrimaha bulshada ku saabsan.
Abdishukri Maxamed Jaamac oo ay saaxibo dhow ku ahaayeen dhanka Jilliinka iyo samaynta Riwaayadaha, islamarkaasna ay ehel dhow yihiin Abwaan Geesi ayaa geerida Abwaankan wuxuu uga warramay Wariyaha VOA-da ee Nairobi Khadar Maxamuud Xareed.
Facebook Forum