Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Askari hore u dilay taliye ku xigeenkii NISA ee Galmudug oo la toogtay


Magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud waxaa lagu qisaasey askari ay maxkamadda magaaladasi ku ridey xukun dil ah, kadib markii uu hore u dilay Taliye ku xigeenkii NISA ee Galmudug Cabdiraxmaan Faarax Geelle iyo walaashiis.

Markii ay dhacday qisaastan ayaa dad careysay oo ku heyb ahaa waxay ay rasaas ku fureen gawaaridii askartu la soctay waxayna ku dhintey ugu yraan 2 qof dhowr kalena waa ku dhaawacmeen.

Warkan waxaa kasoo direy magaalada Gaalkacyo wariyaha VOA ee Galmudug, Cabdiwaaxid Macalin Isaaq.

Warbixinta askari la toogtay.mp3
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:29 0:00

XS
SM
MD
LG