Muqdisho —
Hay’adda maareynta musiibooyinka ee Soomaaliya SODMA, ayaa dhawaan ka digtay duufaanno iyo roobab laga cabsi qabo inay Soomaaliya ka da’aan.
Dhawaan wafdi ay ka mid yihiin xildhibaan Maxamuud Abdulaahi Ahmed (Abuukaate) oo ka mid ah xildhibaannada dowladda federaalka ah iyo Guddoomiyaha hay’adda SODMA Maxamud Macalin Cabdulle, ayaa gaarsiiyay degmada Jawiil ee gobolka Hiiraan raashiin iyo qalab dawo oo loogu talagalay wax ka qabashada cabsida duufaan iyo fatahaad ee jirta.
Jamaal Axmed Cismaan ayaa arrimahani ka wareystay xildhibaan Maxamuud Abuukaate oo Jawiil ku sugan.
Madal