Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wareysi: Dood cusub oo ka dhalatay joogitaanka ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya


La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Sheekh Cali ayaa Jimcihii sheegay in dawladda Soomaaliya filayso in dhammaan ciidamada Itoobiya ay ka baxaan Soomaaliya dhammaadka sannadkan, marka uu dhammaado hawlgalka ATMIS.

Xuseen Sheekh Cali ayaa oo ka hadlay X Space ay leedahay Idaacadda Goobjoog ayaa sheegay inay jiri doonaan ciidamo ka socda waddamada kale ee ka tirsan ATMIS oo sii jooga Soomaaliya qaybna ka noqonaya hawlgalka beddelaya ATMIS oo aan weli magac loo bixin, balse la filayo inay xilka la wareegaan laga bilaabo Jannaayo 2025-ka.

Farriin uu ku qoray bartiisa X shalay ayaa Xusene Sheekh Cali uu ku sheegay in ilaa inta Itoobiya ay sii waddo ku xadgudubka gobannimada, midnimada dhuleed iyo madaxbannaanida siyaasadeed ee Soomaaliya aysan Soomaaliya u tixgelinayn waddan loo gaashaanbuuraysto horrumarinta nabadda iyo amniga gobolka, sida uu hadalka u dhigay.

VOA waxay la xiriirtay La-taliyaha Amniga Qaranka Xuseen Sheekh Cali, iyo af-hayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Itoobiya Nebiyu Tedla oo aan arrimahan wax uga weydiino, hase yeeshee labaduba weli kama soo jawabain codsigeenii.

Haddaba arintan ayaa Haaruun Macruuf uu ka waraystay Xildhibaan Cali Saciid Fiqi oo ka tirsan baarlamaanka federaalka ee Soomaaliya.

Dhageyso wareysiga Cali Fiqi
please wait

No media source currently available

0:00 0:07:28 0:00

Madal

XS
SM
MD
LG