Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wararkii ugu dambeeyey Shirka Golaha Wadatashiga Qaran


Madaxda Soomaalida
Madaxda Soomaalida

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee madaxda dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada ayaa maalintii labaad ka socda magaalada Baydhaba ee gobolka Baay.

Shirka oo uu guddoominayo madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa maanta looga hadlay warbixinno ay soo gudbiyeen guddiyada u xil-saaran soo dharaan dhirinta hannaanka federaaleynta maaliyadda, doorashooyinka iyo qaab dhismeedka amniga qaranka, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay madaxtooyada.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa isna qoraal uu soo dhigay Facebook ku yiri “Shalay iyo maanta waxay madaxdu isla lafa-gureen qodobo dhowr ah oo muhiim u ah Dowlad-dhiskeenna kuwaas oo kala ah; Dib-u-eegista qaab-dhismeedka Amniga Qaranka, Federaaleynta hannaankeenna Maaliyadeed iyo sidii dalkeenna iyo dadkeennu ugu gudbi-lahaayeen hannaan doorasho oo dadku wax doortaan.”

Shirka ayaa waxaa waxaa ka qeyba galaya Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Saalax Jaamac iyo madaxweyne goboleedyada Koonfur-Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen HirShabeelle Cali Guudlaawe, Jubbaland Axmed Madoobe, Galmudug Axmed Qoor Qoor, iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Shirka ayaa waxaa ka maqan madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, mana jiro wax war ah oo kasoo baxay Puntland oo ku saabsan sababta uu uga baaqday.

Hase yeeshee, Puntland go’aan kasoo baxay 9-kii Janaayo ku sheegtay in maamulku uu dhaqmi doono sidii dawlad madaxbanaan inta laga dhammaystirayo dastuurka ku meel-gaarka ah ee Soomaaliya.

Wararkii ugu dambeeyay ee shirkaas waxaa Baydhaba kasoo diray wariyaha VOA-da Mukhtaar Maxamed Catoosh.

Wararkii ugu dambeeyey Shirka Golaha Wadatashiga Qaran
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:29 0:00

XS
SM
MD
LG