Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wararkii ugu dambeeyey ee xiisadda ka taagan doorashada Puntland


Deni Karaash
Deni Karaash

Nidaamka doorasho ee maamulka Puntland ayaa toddobaadyadii ugu danbeeyey laga dareemayey kacsaan siyaasadeed oo si weyn ugu dhexeysa madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah.

Muranka siyaasadeed ee hareeyey doorashada Puntland ayaa waxaa ugu weyn xulista xildhibaanada gobollada SSC-Khaatumo, oo horay Isimadda iyo maamulka SSC ay u sheegeen inaysan ka qaybgeli doonin doorashadda Puntland. Hase ahaatee waxaa jira siyaasiyiin uu ugu horreeyo madadaxweyne Siciid Deni oo weli ku adkeysanaya in xildhibaanada SSC ay xaq u leeyihiin inay ka mid noqdaan baarlamaanka cusub ee dooranaya madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka Puntland sanadka 2024.

Duhurnimadii maanta ayaa qoraal uu bartiisa Facebooga soo dhigay madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cismaan Karaash wuxuu ku sheegay inuu oggolaaday go’aankii Isimadda dhaqanka SSC-Khaatumo ee 23-kii December, baaqii dalladda musharixiinta ee 27-kii December iyo go’aamadii Isimadda Puntland ee 29-kii December 2024.

Weriyaha VOA Faadumo Yaasiin Jaamac ayaa arrimahan waxay waraysi kala yeelatay Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir, waxayna ugu horeyn weydiisay sida uu u arko go’aamadda Isimadda SSC-Khataumo iyo Puntland iyo weliba madaxweyne ku xigeenka Puntland ka soo baxay.

Wareysiga Maxamuud Caydiid Dirir
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:48 0:00

Sidoo kale weriyaha VOA Faadumo Yaasiin Jaamacayaa waraysatay Suldaan Cabdiqani Qorane waxayna weydiisay sababta keentay inay soo saaraan go'aanka ay Isimadu soo saareen iyo awoodda ay u yeesheen in Isimadu ku farogeliyeen guddiga xalinta khilaafaadka Puntland.

Wareysiga: Suldaan Cabdiqani Qorane
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:02 0:00



Madal

XS
SM
MD
LG