Laascaanood —
Xaaladda magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa maanta degan kadib dagaal xooggan oo mar kale shalay ka dhacay.
Dagaalkan oo muddo bil ku dhow ka socday magaalada ayaa sababay in badi dadkii magaalada ku noolaa ay ka qaxaan, waxaa kale oo uu saameeyay xarumaha caafimaadka iyo isbitaallada.
Dr. Siciid Axmed Xasan Cali oo ka howlgala isbitaalka guud ee Laascaanood ayaa VOA u sheegay in cabsi xoogan ay la kulmayaan, sidoo kalena ay gabaabsi yihiin dawooyinka cibitalka. Wuxuu u warramay wariyaha VOA-da Cabdikariim Olol.