Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wararkii ugu dambeeyey dagaalka deegaanka Qaayib


Ciidamada dowladda oo dagaal ku jira
Ciidamada dowladda oo dagaal ku jira

Xaaladda deegaanka Qaayib ee gobolka Galgaguud ayaa daggan kadib dagaal saacado socday oo halkaasi ku dhexmaray maleeshiyada Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda federaalka oo kaashanaya dadka deegaanka.

Wasiirka warfaafinta Galmudug ayaa VOA u sheegay in dagaalkaasi ay guulo ka gaareen, islamarkaana ay jabiyeen maleeshiyada Al-Shabaab ee weerarka ku qaaday fariisimada ciidamad Galmudug iyo kuwa deegaanka.

Ilo-wareedyo kala duwan, oo VOA ay la hadashay, ayaa u sheegay in dagaalka uu gaystay khasaaro nafeed oo soo gaaray dhinacyadii dagaalamay iyo bur hantiyeed oo soo gaaray xaruntii isgaarsiinta ee deegaanka oo qarax lala beegsaday.

Dhinaca kale ciidamad dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa weerar ku qaaday deegaanka Xiin Dheere oo ay ku sugnaayeen maleeshiyada Al-Shabaab.

Dagaalkii maanta ee Qaayib ayaa qeyb ka ah dagaallada dolwadda Soomaaliya, maamul goboleedyada iyo bulshada deegaanka oo iskaashanaya kula jiraan kooxda Al-Shabaab oo xooggiisa uu ka socdo gobollada Hiiraan, Shabellada Dhexe iyo Galgaduud.

Dagaalladan ayaa kooxda Al-Shabaab looga saaray deegaano badankood ka tirsan gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ee maamul goboleedka HirShabeelle.

Warbixintan waxaa soo diray Cabdiwaaxid Macallin Isxaaq.

Wararkii ugu dambeeyey dagaalka deegaanka Qaayib
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:17 0:00

XS
SM
MD
LG