Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wararkii ugu dambeeyay ee qabanqaabada doorashada madaxweynaha Soomaaliya


Guddiga isku dhafka ah ee doorashad madaxweynaha 10-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kujira qabanqaabadii ugu dambeysay ee diiwaan-gelinta musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya, waxaana lagu wadaa in maalinta berri ay si rasmi ah u bilaabato qabashda codsiga musharaxiinta.

Guddiga ayaa Khamiistii ku dhawaaqay Jadwalka Doorashada Madaxweynaha, waxaana maalinta doorashada lagu asteeyay 15-ka bishan aynu ku jirno ee May.

Diiwaan-gelinta musharaxiinta oo ku eg 10-ka bishan oo ah maalin Talaado ah ayaa la filayaa in inka badan 20 musharax oo uu ku jiro madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ay iska diigwaangaliyaan guddiga doorashada.

Hadal jeedinta musharraxiinta is-diiwaangaliyay ayaa sida ku xusan jadwalka doorashada madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya waxay noqon doonaan maalmaha 11 iyo 12-ka bishan.

Saraakiisha amniga ayaa sidoo kale ku howlan sugista amniga doorashada, iyada oo saddexdii bishan uu guddomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe kulan uu isugu yeeray dhammaan saraakiisha qalabka sida uu uga digay 'inay ku milmaan siyaasadda, amniga doorashadana ay kaga amar qaataan Gudoomiyaha Golaha Shacabka inta lagu jiro marxaladda kala guurka illaa uu dalka ka yeelanayo madaxweyne' sida lagu sheegay qoraal lasoo dhigay barta golaha shacabka uu ku leeyahay Facebook.

Dhinaca kale, khilaaf ayaa weli ka taagan 16-ka xildhibaan ee gobolka Gedo, waxaana la filayaa in guddoomiyaha Golaha Shacanka Sheekh Aadan Madoobe uu go'aan rasmi ah kasoo saaro xildhibaannadan.

Wixii kusoo kordha wararka doorashada halkan ayaan kala socon doontaan.

XS
SM
MD
LG