Dagaal culus oo ay ku dhinteen qaar ka mid ah saraakiisha Puntland ee ciidanka hoggaaminayey, qaarna ay ku dhaawacmeen ayaa maalintii shalay, xalay, ilaa maanta waxa uu ka dhacay Togga Jeceel oo ka tirsan buuraha Calmiskaad.
Dagaalkan ayaa sidoo kale waxaa ku dhintay in ka badan 15 askari, waxaana ku dhaawacmay tiro ka badan 50 askari, sida ay illo xog-ogaal ah oo magacyadooda sababo amni u qariyay ay VOA-da u sheegeen.
Afhayeenka Ciidanka Difaaca Puntland, General Maxamed Maxamuud Axmed, ayaa VOA u sheegay in ciidanka Puntland ay guulo ka gaareen dagaal fool-ka-fool ah oo 24-kii saacadood ee la soo dhaafay ay la galeen kooxda Daacish, isla markaasna ay ka dileen 57 dagaalyahan, oo ajaanib ku jirto, dhul cusubna ay ka qabsadeen.
Afhayeenka ayaa qiray in ciidamadooda khasaare kasoo gaaray dagaalkan oo uu ku tilmaamay midkii ugu cuslaa ee dhex mara Puntland iyo Daacish, inkastoo uusan tirakoobka khasaaraha ciidankooda sheegin.
Weriyaha VOA, Faadumo Yaasiin Jaamac, ayaa ugu horreyn waydiisay afhayeenka sida uu dagaalkani ku bilowday.
Madal