Isku xirrada

War Deg-Deg ah

War-murtiyeed laga soo saaray shirkii Golaha Wadatashiga Qaran


Madaxda dowladda federaalka iyo madax goboleedyada
Madaxda dowladda federaalka iyo madax goboleedyada

Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee madaxda dowladda federaalka iyo madaxda dowlad goboleedyada ayaa maanta lagu soo gaba-gebeeyey magaalada Muqdisho, waxaana laga soo saaray toddoba qodob.

Shirka waxaa ka qeyb-galay madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xamsa Cabdi Barre, ra'iisul wasaare ku-xigeenka Saalax Axmed Jaamac, iyo shanta madaxweyne dowlad goboleed ee Axmed Maxamed, Jubaland Islaam, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Axmed Cabdi Kaariye, Cali Cabdullahi Xuseen Guudlaawe iyo Saciid Cabdullaahi Deni.

Shirka ayaa looga hadlay sidii loo dardargelin lahaa dadaalka lagu samata bixinayo dadka Soomaaliyeed ee ay sida daran u saamayeen abaaruhu, waxaana la isla gorfeeyay arrimha amniga dalka, iyadoo dib loo milicsaday qodobadii kasoo baxay shirkii 12 kii June 2022.

Gunaanadkii shirka labada maalmood ee Golaha Wadatashiga Qaran ku yeeshay magaalada Muqdisho 11-12 September 2022 waxaa Goluhu isku raacay qodobada soo socda:

1- Ka dib abaarihii oo daba dheeraaday, dagmooyin ka mid ah dalkeenna ayaa galay xaalad adag, hadaba Golaha Wada tashiga Qaranku waxa uu go’aamiyay in dowladdu dardar galiso howlaha lagu badbaadinayo dadka tabaalaysan, waxaana la faray dhammaan hay’adaha ku hawlan gurmadka in ay mideeyaan dadaallada ku wajahan yaraynta saamaynta aabaraha. Goluhu wuxuu ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed in ay si buuxda is kugu gurmadaan. Sidoo kale, saaxiibada Soomaaliya ayuu Goluhu ugu baaqay in ay laba jibbaaraan taageerada gurmadka abaaraha.

2- Goluhu wuxuu si mug leh u bogaadinayaa howlgalada la-dagaallanka argagixisada ee ka socda dhammaan deegaannada dalka, gaar ahaan kaalinta ay shacabka reer Hirshabelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed ka qaadanayaan la-dagaalanka argagixisada.

3- Goluhu wuxuu ugu baaqayaa deegannada kale ee dalka iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada sida odayaasha, culimaa’udiinka, ganacsatada, dhalinyarada iyo haweenka in ay si dhab ah ugu istaagaan dedaalada la-dagaalanka aragagixisada oo ay hormuudka ka yihiin Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo dhammaan qaybaha kale ee ciidamada qalabka sida.

4- Goluhu wuxuu isku raacey in la dardargeliyo lagana mira dhaliyo wadahadalada Soomaaliland.

5- Goluhu waxa uu xoojinayaa xiriirka iyo wada shaqaynta hay’adaha dowladda ee labada heer si loo xaqiijiyo kalsooni buuxda iyo natiijooyin wax ku ool u ah dawladnimada.

6- Goluhu wuxuu isku raacay in laga shaqeeyo xaqiijinta xasilooni siyaasadeed oo ku qotanta kalsooni, midnimo, iyo sarreynta dastuurka iyo xeerarka dalka.

7- Goluhu wuxuu isku raacey in la isugu yimaado shir kale oo lagu lafaguri doono arrimaha hortabinta u leh dowlad dhiska Soomaaliya.

XS
SM
MD
LG