Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dab xooggan oo ka kacay suuqa Waaheen ee bartamaha Hargeisa


Ciidanka Dabdamiska Somaliland
Ciidanka Dabdamiska Somaliland

Wararka ka imanaya magaalada Hargeisa ayaa sheegaya in dab xooggani uu caawa fiidkii ka kacay, suuqa weyn ee ku yaalla bartmaha magaalada Hargeisa., iyada oo ciidamada dabdamiska iyo Dawladda Hoose ee magaalada ay ku guda jiraan gurmad lagu deminayo dabka.

Duqa Caasimadda Hargeisa Cabdikariin Axmed Mooge oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in dabkani uu burburiyey hanti aad u badan, hase ahaatee aanay illaa haatan jirin wax khasaare nafeed ah oo uu geystay. Wuxuuna baaq u diray maayarada magaalooyinka kale ee Somaliland inay gurmad u soo diraan.

Suuqa bacadlaha ah ee Waaheen ayaa ayaa ku yaalla badhtamaha magaalada Hargeisa, waana suuqa ugu weyn, wuxuuna hoy u yahay kumanaan ganacsato ah oo isugu jira kuwa yaryar iyo kuwa dhexeba.

Masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan xukuumadda iyo xisbiyada mucaaradka ah ayaa goobta booqday.

Saraakiisha Dabdamiska iyo Dawladda Hoose ee Hargeisa ayaa sheegaya in illaa haatan lala tacaalayo dabka,.

Wixii warar ah ee ka soo kordha kala soco VOA.

XS
SM
MD
LG