Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wafdi ka socda ONLF oo Muqdisho u yimid caleema-saarka madaxweyne Xasan Sheekh


Qalbi-Dhagax
Qalbi-Dhagax

Wafdi ka socday ururka ONLF ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, halkaas oo ay kaga qeybgeli doonaan xafladda caleema-saarka madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud oo Khamiista berri ah ka dhici doonta xarunta Afisyooni.

Wafdigan ayaa waxaa hoggaaminayay guddoomiyaha ONF Abdirahman Mahdi, iyadoo ay soo dhaweeyeen xubno ka tirsan xukuumada iyo Baarlamaanka Federaalka.

"Dadka Soomaaliyeed waxay leeyihiin dhaqamo asaasi ah oo ku qotoma xorriyadda, sinnaanta iyo dimuqraadiyadda. Waxay ahaayeen kuwii aas-aasay dimuqraadiyadii kowaad ee Afrika. Waxaan u hambalyeyneynaa madaxweynaha cusub ee la doortay" ayay ONLF ku tiri farriin hambalyo ah oo ay u dirtay madaxeynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

"Soomaaliya waa dal muhiim u ah Geeska Afrika iyo Bariga Dhexe. Inaguna waxay u rajaynaysaa madaxwaynaha cusub inuu door wax ku ool ah ka qaato sidii gobolka Geeska Afrika uu u noqon lahaa gobol nabadeed, horumar iyo heshiis dhexmara shucuubtiisa" ayay ONLF raacisay.


XS
SM
MD
LG