Goolhayihii hore ee xulka qaranka Netherlands Edwin van der Sar ayaa la dhigay isbitaal xilli uu fasax ku joogay dalka Croatia, iyada oo uu dhiig kaga furmay maskaxda, balse xaaladdiisu waa ay wanaagsan tahay sida ay xaqiijisay kooxdiisii hore ee Ajax Amsterdam Jimcihii.
Van der Sar, oo 52 jir ah, oo lix sano kusoo qaatay Manchester United ka hor inta uusan ka tagin 2011, wuxuu markii dambe ahaa agaasimaha Ajax, laakiin wuu ka tagay kahor dhamaadka xilli ciyaareedkii hore ka dib markii ay kooxdu ku dhameysatay kaalinta seddexaad ee horyaalka Holland oo ay seegtay koobka Champions League markii ugu horeysay tan iyo 2009.
"Edwin van der Sar maskaxdiisa ayaa dhiib ku wareegsan yahay. Hadda waxa uu ku jiraa isbitaalka qaybta daryeelka degdega ah, xaaladiisuna way deggan tahay,” ayay Ajax ku tiri hadal kooban ee soo saartay.
Xaaskiisa Annemarie ayaa sidaas oo kale maskaxda dhiig uga furmay intii uu joogay Old Trafford sannadkii 2009, balse si buuxda ayuu u soo kabtay.
Reuters.
Madal