Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Vinicius Junior oo Real Madrid ka caawiyay inay 2-2 la gasho Bayern


FBL-EUR-C1-BAYERN MUNICH-REAL MADRID
FBL-EUR-C1-BAYERN MUNICH-REAL MADRID

Kooxaha Bayern Munich iyo Real Madir ayaa ku kala baxay 2-2 ciyaartii xiisaha laheyd ee ka tirsaneyd semi-final-ka koobka kooxaha horyaallada Yurub, iyada oo ciyaaryahanka Real Madrid ee Vinicius Junior uu dhaliyay labo gool oo ay ku jirto rigoore.

Laacibka reer Brazil oo Real Madrid hoggaanka u dhiibay daqiiqaddi 24-aad, kadib kubbad cajiib aheyd oo uu ka helay Tony Kross.

Bayern oo koobka Champions Leaque-ga kaliya u rajo ka leh ayaa bilawgii qaybtii danbe ee ciyaarta laba gool ku dhalisay afar daqiiqo gudahood waxaana u dhaliyay Leroy Sane iyo gool ku laad Harry Kane.

“Waa inaan madaxa kor u ceshanna, nasano ilaa toddobaadka soo socda, waana ognahay in anaga iyo taageerayaasha aan Santiago Bernabeu ku sameyn doonno wax kasta oo aan ku soo bixi karono." ayuu yiri Vinicius Junior.

Guuleystaha ayaa wajihi doona midkood Borussia Dortmund ama Paris St Germain, kuwaas oo ku kulmi doona semi-finalka labaad ee maanta.

Reuters

Madal

XS
SM
MD
LG