Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maraykanka: Ma siyaasadaynayno gargaarka Somalia


P. J. Crowley
P. J. Crowley

Dowladda Mareykanka ayaa iska fogeysay eedaymo loo soo jeediyay oo ku saabsan inay siyaasadaynayso gargaarka Somalia

Dawladda Mareeykanka ayaa iska fogeysay eedeeymaha kaga yimid sarakiisha gar-gaarka ee QM oo ku eedeeyay inay siyaasadeeyneyso qeybinta gargaarka cunto ee loogu talagalay Somalia

Afhayeenka wassarada arimaha dibadda P.J Crowley ayaa eedeeyntaasi ku tilmaamay been aan sal iyo raadtoona lahayn.

Todobaadkan ayaa sarakiisha WFP waxay sheegeen in sharciyada adag ee Mareykanka ayy mamnuucayaan u leexinta gargaarka maleeshiyada kooxda Al-shabaab ee ku sugan Somalia, isla markaana ay xarimayaan lacagaha la siiiyo kooxdaasi si cuntada loo sii maraya. Saraakiishu waxay sheegeen in taasina ay xayirtay u qeybinta gargaarka ee kumanaanka ruux ee aadka ugu baahan gargaarka.

Mr. Crowley wuxuu sheegay in sharciga Mareeykanku yahay mid mamnuucaya in garagaarka Mareykanka la gaarsiiyo ama kooxahaasi sida Al-Shabaab oo kale. Mr. Crowley wuxuu kaloo xusay in Mareykanku uu aad uga walaacsan yahay gargaarka iyo lacagta galaysa Al-Shabaab isagoo sheegay in Mareykanku aanu bixinayn waxa uu ugu yeeray "canshuur argagixiso."

XS
SM
MD
LG