Isku xirrada

War Deg-Deg ah

George H.W. Bush oo la aasay


George H.W. Bush

Madaxweynaihii hore ee Maraykanka George H.W. Bush ayaa xalay fiidkii lagu aasay Gobolka Texas kadib markii toddobaad xflado duco ah loo sameeyey dalkan.

George Bush waxa lagu garab aasay xaaskiisii Barbara Bush oo ay is qabeen 73 sano, waxaana ka hor inta aan la aasin Gobolka Texas loogu sameyeey xaflad maamuus ah., kadibna tareen ayaa loogu qaaday magaalada College Station oo ay ku taallo jaamacadda Texas & AM oo uu ku yaallo maktabkiisa.

Markii la aasasyey ayaa waxaa lagu sagootiyey salaam ay bixiyeen 21-diyaaradood oo kuwa dagaalka ah, maadaama Bush uu ahaan jiray duuliye diyaaradaha dagaalka. Waxaa kale oo loo riday 21 madfac.

Xafladda ugu dambaysa ee duugtiisa waxaa loo oggolaaday oo keliya eheladiisaa iyadoo laga leexiyey dhammaan kaaramaradaha telefiishannada. Haaruun Macruuf ayaa warbixintan noo diyaariyey.

Aaska Bush
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:07:40 0:00

XS
SM
MD
LG