Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maraykanka oo ka digay khatarta Al-Shabab


AMISOM
AMISOM
Milatariga Maraykanka ayaa sheegay in halista ka imanaysa ururka al-Shabab ay sii socon doonto.

Taliyaha taliska ciidamada Maraykanka Afrika “AFRICOM” Jeneraal David Rodriguez ayaa sheegay in inkastoo uu sii yaraanayo dhulka ay al-Shabab ka taliso haddana kooxdaasi ay halis ku hayaan inay sii wadaan weerarada ka dhanka ah dawladda Soomaaliya iyo waddamada ciidanka ku biiriyey hawlgalka AMISOM.

Waxa uu sheegay inuu aaminsan yahay in al-Shabab ay weerarro ka gaysan doonto waddamada ciidanka u diray Soomaaliya si ay iskaga horkeenaan shacabka dalalkaas iyo dawladahooga.

Weeraro ay al-Shabab ka dambaysay waxaa lagu qaaday Kenya iyadoo weerarkii ugu dambeeyey uu ka dhacay magaalada Nayroobi toddobaadkii hore ayna ku dhinteen in ka badan 10 qof. Weerarkaasi ayaa yimid kadib markii dawladaha Maraykanka iyo Biritan ay ka digeen weeraro argagxiso ah oo ka dhacay dalkaasi Kenya.

Waddamada ciidamada u diray Soomaaliya waxay kala yihiin Kenya, Jabuuti, Uganda, Burundi, Siiralyoon iyo toobiya.

Jeneraal Rodriguez waxa uu sheegay in ciidamada Maraykanku ay tabarro siinayaan kuwa AMISOM ka hor inta aan Soomaaliya loo dirin si kor loogu qaado kartidooda.
Waxa uu sheegay ina sidoo kale waddamada ay ka caawinayaan sidii ay u xoojin lahaayeen awooddooda macluumaad is-dhaafsiga iyo sirdoonka si ay uga hor tagaan halista al-Shabab.

Ciidamo tiro kooban oo ka tirsan AFRICOM ayaa ku sugan xarunta AMISOM ee Soomaaliya si ay halwgalka u caawiyaan.
XS
SM
MD
LG