Isku xirrada

War Deg-Deg ah

UNHCR oo ka Deyrisay Xaaladda Soomaalida


UNHCR oo ka Deyrisay Xaaladda Soomaalida
UNHCR oo ka Deyrisay Xaaladda Soomaalida

Hay’ada UNHCR waxay sheegtay in iyaga iyo ururo kale oo kaalmada bixiya ay ku adkaaneyso inay gargaar gaarsiyaan dadka dhibaateysan.

Hay’ada Qaramada Midoobay ee qaxootiga waxay sheegeysaa in xaalada dalka Soomaaliya ay ku sii socoto meel qalafsan oo ay sii xumaaneyso. Taa ka ka sokow, UNHCR waxay leedahay qulqulka qaxootiga ku sii jeeda dalalka deriska si la taaban karo ayay hoos ugu dhacday marka la barbar dhigo xiligan oo kale ee sanadkii hore.


Afhayeenka UNHCR, Adrian Edwards, waxa uu sheegay in hoos u dhacaasi tirada dadka qaxaya ee ka tallaabaya xuduudaha aanay wax micno ah ugu fadhiyi lahayn haddii Soomaaliya ay ahaan lahayd meel xasiloon oo lagu badbaado.
Afhayeenka UNHCR Adrian Edward waxaa kaloo uu sheegay in dadka ay u suurtogasho inay ka soo cararaan Soomaaliya ay ka sheekeeyaan burburka naxdinta leh ee dalka ka jira. Waxay sheegayaan inay aad u kordheyso halista iyo dhibaatada in dadku ay qaxaan, waxaana dad badan oo barakacay ay ku go’doonsan yihiin gudaha dalka.


Sanadkii la soo dhaafay, inka badan 13,800 oo Soomaali ah ayaa u qaxday dalka Yemen. UNHCR waxay soo warisay in sanadkani ay gaareen dalkaasi tiro ka yar kala bar tiradii sanadkii hore. Hay’adu waxay kaloo sheegaysaa in tirada Soomaalida tegaysa dalka Kenya ay iyana hoos ugu dhacday saddex meelood meel tiradii sanadkii hore oo ahayd 44,385 oo qof.


Afhayeenku wuxuu sheegay dalka keliya ee gobolka ku yaalla ee aanu dadka oggoleyn waa Itoobiya. Wuxuu sheegay in inka badan 12,600 oo qof oo Soomaali ah ay maareeyeen inay dalkaasi gaaraan sanadkan keliya, tiradaasoo ka badan tii sanadkii hore oo ahayd 8,400 oo qof.

XS
SM
MD
LG