Isku xirrada

War Deg-Deg ah

UK oo Laga Dalbaday Caawinta Muhaajiriinta


Sawirka meydka wiil yar oo kusoo caariyey xeebaha Turkey, ayaa caalamka ka wada nixiyey. Sept. 2, 2015.
Sawirka meydka wiil yar oo kusoo caariyey xeebaha Turkey, ayaa caalamka ka wada nixiyey. Sept. 2, 2015.

Baaqyo isdaba joog ah ayaa soo gaaraya dawladda Britain , waxaana loo bildhaaminayaa in ay mas’uuliyad iska saarto dhibta tahriibayaasha kusoo ququlaya qaaradda Yurub.

Baaqyo isdaba joog ah ayaa soo gaaraya dawladda Britain , waxaana loo bildhaaminayaa in ay mas’uuliyad iska saarto dhibta tahriibayaasha kusoo ququlaya qaaradda yurub, waxaana kumanaan qof oo Britain u dhashay ay gudbiyeen qoraalo ay ku dalbanayaan in dawladdu ay wax ka qabato arrinta tahriibayaasha.

Dadweynaha dalka Britain ayaa hadal haya muuqaalada naxdinta leh ee maanta lagusoo daabacay wargaysyada kasoo baxa dalkan, sawirka ay bogga hore soo dhigeen ayaa ah wiil 3 jir ah oo u dhashay Syria oo baddu ay kusoo tuftay goob loo dalxiis tago oo ku taala dalka turkiga.

Qaramada midoobay ayaa sheegtay in dhacdooyinkaasi ay yihiin kuwo muujinaya xaaladda cakiran ee ay ku sugan yihiin boqolaal kun oo tahriibayaal ah, kuwaasi ka baxsanaya colaadaha Syria, doonayana in ay soo gaaraan Yurub.

Dhacdooyinka kale ee taabtay dadweynaha qaaradda Yurub ayaa ah gabaddha yare e ku dhalatay goobta tareenada ee magaalada Budapest ee dalka Dalka Hungary, iyadoo kooxaha gargaarkuna ay sheegeen in baabuurta gurmadka loo yaqaano ee ambulance ay diideen in hooyada dhashay gabdhaasi loo qaado cisbitaal.

Peter Sutherland, Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay ugu qaybsan tahriibka ayaa sheegay in jidka kaliya ee xal lagu gaari karo uu yahay jawaab midaysan oo ka timaada dalalka Yurub, waxaana taasi micneheedu ay tahay in ay isla wadaagaan xaaladdan, hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli dalalka yurub qaarkood ay ku dhawaaqeen in dadka qaxootiga ah loo qaybiyay dalalka yurub oo culayska laga dulqaado dalalka kooban ee qaxootigu ay gaarayaan.

Jeremy Corbyn oo ah ninka ugu cad cad ee u ordaya hogaaminta xisbiga labourka dalka Britain ayaa sheegay in Britain ay ceeb kula duldhacday dariskeeda yurub kadib markii ay ogolaatay in ay dhowr boqol oo u dhashay dalka Syria ay ogolaatay in ay dalkeeda kusoo dhoweynayso. Britain ayaa sheegtay in ay qaadanayso 500 oo qaxooti Syrian ah. Jarmalku waxaa uu ogolaaday 30,000 oo qaxooti ah in uu aqbalo, waxaana sanadkan oo kaliya la filayaa in ogolaato 800,000 oo qof.

Kumanaan qaxooti ah ayaa ku guda jara socdaalo ay khataro badani ku hareeraysan yihiin, kuwaasi oo ka imanaya syira, ciraaq iyo afqanistaan si ay usoo gaaraan dalka turkiga kadibna ay kasii gudbaan.

Mid kamid ah hay’adaha gargaarka ayaa sheegtay in 2000 oo qof ay maalin kasta isku dayaan in ay tahriibaan oo ay gaaraan jaziirad ku taala bariga dalka greega iyagoo isticmaalaya doomo aad halis ah.

Waxaa muuqata in tahriibku uu isu badalayo xaalad bani’aadantinimo oo aan laga indha saaban karo, walina waxaa laga sugayaa madaxda qaaradda yurub in ay xal u helaan musiibadan oo ah mid ku cusub oo nooceeda oo kale aan la arag tan iyo dagaalkii labaad ee dunida.

XS
SM
MD
LG