Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mahaajiriin ku Xanibnaa Hungary oo La Fasaxay


Muhaajiriin ku xoobmay tareen, magaalada Budapest ee Hungary, kadib markii booliisku iska tageen. September 3, 2015.
Muhaajiriin ku xoobmay tareen, magaalada Budapest ee Hungary, kadib markii booliisku iska tageen. September 3, 2015.

Booliiska ayaa khamiista maanta ah ka tagay xarunta tareenka Kaleti, kadib laba maalmood oo ay ishorfadhiyeen boqolaal muhaajiriin ah, oo doonayey inay raacaan tareeno u socda Germany.

Muhaajiriin doonaya inay u safraan dalalka galbeedka Yurub, ayaa ku qul-qulay xarunta weyn ee tareenka magaalada Budapest ee dalka Hungary, kadib markii booliiska ay dib u fureen, hase yeeshee saraakiisha Hungary ayaa sheegay inaysan jiri doonin wax tareeno ah oo usii jeeda galbeedka Yurub.

Booliiska ayaa khamiista maanta ah ka tagay xarunta tareenka Kaleti, kadib laba maalmood oo ay ishorfadhiyeen boqolaal muhaajiriin ah, oo doonayey inay raacaan tareeno u socda Germany, halkaasi oo ay doonayaan inay magangalyo weydiistaan.

Inkasta oo muhaajiriinta loo ogolaaday inay galaan xarunta tareenka, haddana ma cadda halka ay aadi doonaan, maadaama loo diiday inay u safraan dalalka galbeedka Yurub.

Ra’iisul wasaraaha Hungary Viktor Orban ayaa sheegay khamiista maanta ah in dhibaatada ka taagan arrinta muhaajiriinta ee xuduudda Hungary aysan ahayn dhibaato Yurub, balse ay tahay dhibaato Jarmal, maadaama jarmalku sheegay inay magangalyo siinayaan qaxootiga.

XS
SM
MD
LG