Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Turkiga oo hawadiisa ka xidhay diyaaradaha Ruushka ee u socda Syria


Wasiirka Arrimaha Debedda ee dalka Turkiga Mevlut Cavusoglu
Wasiirka Arrimaha Debedda ee dalka Turkiga Mevlut Cavusoglu

ISTANBUL, TURKEY — Warbaahinta maxalliga ah ee dalka Turkiga oo soo xiganaysa wasiirka arrimaha debedda Mevlut Cavusoglu ayaa baahisay in dalka Turkigu uu hawadiisa ka xidhay diyaaradaha rayidka iyo kuwa militariga ee laga leeyahay dalka Ruushka ee u socda dalka Syria.

Hadalkan ka soo baxay dalka Turkiga ayaa noqonaya mid ka mida tallaabooyinkii ugu xoogganaa ee uu illaa hadda dalka Turkigu ka qaado Ruushka, xilli uu bishii labaad marayo duullaanka Ruushka ee dalka Ukraine. Turkiga ayaa loo arkaa inuu xidhiidh dhow la leeyahay Moscow, inkasta oo dalkani xubin ka yahay isbahaysiga NATO.

"Waxaan hawada ka xidhnay diyaaradaha militariga Ruushka - iyo xitaa kuwa rayidka ah - ee u duulaya dalka Suuriya, waxay haysteen illaa bishan April, annaga oo la socodsiinay bishii hore ee March," sidaasi waxaa laga soo xigtay wasiirka arrimaha debedda ee Turkiga oo la hadlay warbaahinta Turkiga.

Cavusoglu ayaa sheegay inuu go’aankan u gudbiyay dhiggiisa Ruushka Sergey Lavrov, halka [Sergey Lavrov] uu u sii gudbiyay madaxweyne Vladimir Putin.

“Hal ama laba maalmood ka dib, waxay yiraahdeen, Putin wuxuu soo saaray amar, wuxuuna sheegay inaanay ku duuli doonin” sidaasi waxaa sheegay wasiirka arrimaha debedda ee Turkiga, xilli uu la hadlayay saxafiyiin Turki ah oo la socday diyaarad uu wasiirku u raacayey dalka Uruguay. Waxaana wasiirku sheegay in mamnuuciddaasi ay sii socon doonto muddo saddex bilood ah oo dambe.

Illaa hadda ma jirto wax jawaab ah oo dalka Ruushku uu ka bixiyey go’aanka ka soo baxay dalka Turkiga.

Turkiga ayaa isku dayaya in uu dhexdhexaadiyo soo afjarida dagaalka ka socda Ukraine, isagoo martigeliyay shirar iyo kulamo dhexmaray masuuliyiinta sar sare ee Ruushka iyo Ukraine, waxaana shirarkaas ka mid ahaa, kulan dhex maray wasiirka arrimaha debedda Ruushka Lavrov iyo dhiggiisa Ukraine Dmytro Kuleba oo ka dhacay magaalada Antalya ee dalka Turkiga.

Ankara ayaa haatan isu diyaarinaysa inay martigeliso shir madaxeed ka dhacaya magaalada Istanbul oo ay isugu imanayaan madaxweynayaasha dalalka Ruushka iyo Ukraine, Vladimir Putin iyo Volodymyr Zelenskyy, inkasta oo wasiirka arrimaha debedda ee Turkigu uu ka dayrinayo natiijada laga filan karo kulankaas.

AFP

XS
SM
MD
LG