Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Trump oo ka Fakaraya Tallaabo Laga Qaado Shiinaha


Madaxweyne Trump
Madaxweyne Trump

Maamulka madaxweyne Donald Trump ayaa ka fakaraya inuu qaado tallaabo hogaamin karta in Mareykanka uu canshuur iyo xanibaado kale oo ganacsi kusoo rogo alaabta laga soo dhoofiyo Shiinaha.

Warbaahinta Mareykanka ayaa weriyey in Trump uu ku amri doono wakiilka ganacsiga ee Mareykanka Robert Lighthizer inuu billaabo baaritaan lagu sameeyo ficillada ganacsi ee Shiinaha, si waafaqsan Xeerka Ganacsiga ee 1974.

Xeerkan ayaa shirkadaha Mareykanka ka ilaalinaya ganacsiga aan caddaalada ku saleysneyn ee dalalka dibedda ay sameeyaan.

Saraakiil ka tirsan maamulka ayaa sheegay in arrintan si rasmi ah loogu dhawaaqi doono maalmaha soo socda.

Madaxweyne Donald Trump iyo guddigiisa dhaqaalaha ayaa marar badan ku eedeeyey Shiinaha inay ku lug leeyihiin ficillo ganacsi oo dhaawaacaya shirkadaha Mareykanka iyo xatooyo ka dhan ah sirtooda ganacsi.

XS
SM
MD
LG