Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Tirada dhimashada qaraxyadii Muqdisho oo kor u dhaafay 100 qof


Rescuers and security forces stand by a dead body at the scene of a double car-bomb attack in Mogadishu, Somalia, Oct. 29, 2022.
Rescuers and security forces stand by a dead body at the scene of a double car-bomb attack in Mogadishu, Somalia, Oct. 29, 2022.

Ugu yaraan 100 qof ayaa ku dhintay ku dhawaad 300 oo kalena way ku dhaawacmeen laba qarax oo baabuur loo adeegsaday, sida uu sheegay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa arrintan ku dhawaaqay kadib markii uu booqday goobtii uu weerarku ka dhacay, waxaana uu ka codsaday beesha caalamka inay u soo diraan dhaqaatiir iyo agab caafimaad si ay ula tacaalaan dhaawacyada.

Madaxweynaha ayaa ku booriyay shacabka in ay tagaan isbitaalada oo ay dhiig ugu deeqaan dadkii ku dhaawacmay weerararadan.

Waxa uu sidoo kale ballanqaaday in waxbarasho lacag la’aan ah uu siin doono carruurtii ay ka tageen dadkii lagu dilay weerarradii Sabtidii iyo sidoo kale carruurta dhibanayaasha ee ku dhintay weerarrada kale ee Al-shabaab.

Qaraxyadan oo loo adeegsaday baabuur walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa lala beegsaday xarunta wasaaradda waxbarashada oo ku taalla mid ka mid ah isgoysyada ugu mashquulka badan ee caasimadda.

Madaxeynaha ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka kahor inta uusan booqan goobta, waxa uu cambaareeyay weerarka, isaga oo sheegay in uu ahaa "Weerar Argagixiso oo fulaynimo ah oo ay ku qaadeen dad aan waxba galabsanin oo ay ka dambeeyaan kooxda dambiileyaasha ah ee Al-Shabaab".

Wuxuu wacad ku maray in weerarka uusan niyad jabin doonin dadaalka ay wadaan dowladda iyo dadka dalka.

"Dowladda & dadkeena geesiyaasha ah waxay sii wadi doonaan inay Soomaaliya ka difaacaan shar-wadeyaasha," ayuu kusoo qoray bartiisa Twitter-ka.

Dadka ku dhintay qaraxyadaas waxaa ka mid ah wariye Maxamed Ciise Koona oo ka mid ahaa suxufiyiinta ka howla gudaha dalka. Weriyaha VOA-da Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle, iyo Feysal Cumar oo u shaqeeya wakaaladda wararka ee Reuters ayaa iyaguna ku dhaawacmay qaraxyadaas

.

XS
SM
MD
LG