Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Tirada dhimashada fatahaadaha Gedo oo korortay


Tan iyo markii ay fatahaadaha ku dhufteen deegaanada Jubbaland waxaa sii kordhaya khasaaraha ka dhashay fatahaadaasi, iyadoo ay ku dhinteen in ka badan labaatan qof, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta maamulka.

Waxaa sidoo kale jira dad ka badan 20 kun oo qoys oo wali ku go’doonsan geddiga kale ee Wabiga Daawo, gaar ahaan nawaaxiga degmada Dooloow ee gobolka Gedo.

Waxaa laga deyrinayaa xaaladda dadkaas ay ku nool yihiin kuwaasi oo aanan helin samitixin, waxaana ay qarka u saaranyihiin in ay macluul u dhintaan, sida uu VOA u sheegay xildhibaan Mustaf Maamoow Geedi oo ka mid ah golaha wakiilada Jubbaland.

Xildhibaanka ayaa khadka taleefonka ugu warramay wariyaha VOA Aadan Maxamed Salaad.

Tirada dhimashada fatahaadaha Gedo oo korortay
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:48 0:00

Madal

XS
SM
MD
LG