Laba sarkaal oo ka tirsan saraakiisha Ciidamada Taliska Guud ee Somaliland ayaa sheegay inaanay Ciidamadu arrimaha siyaasada ku shaqo lahayn sidaa darteedna waxay uga digeen siyaasiyiinta inay arimaha Ciidamada faro-galiyaan.
Hadalkan waxaa wadajir u jeediyey Gaashaanle Sare Maxamed Faarax oo ka tirsan taliska booliiska iyo gaashaanle sare Nimcaan Yuusuf oo ka tirsan taliska milatariga.
Arrintan ayaa ka dambaysay iyadoo maalmihii u danbeeyey baraha bulshada lagu faafiyey eedo ahaa inay jiraan askar ku milantay siyaasadda.
Warkan waxa Hargiesa ka soo diray Khadar Maxamed Cakule.