Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Booliska oo sheegay in 9 qof ay ku dhinteen  Weerarkii Al-Shabaab ee xeebta Liido


Askari ku sugan Hotel Pearl Beach.

Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in weerarkii maleeshiyada Al-shabaab ay xalay ku qaadday makhaayadda Pearl ee xeebta Liida ay ku dhinteen sagaal qof oo lix ka mid ah ay ahaayeen rayid iyo saddex ciidamada ammaanka ah.

Booliska ayaa intaas ku daray inay 10 qof oo kale ay ku dhaawacmeen weerarkaas oo lasoo af-jaray saqdii dhexe ee xalay.

Bayaan kasoo baxay booliska ayaa sidoo kale lagu sheegay in 84 qof oo ay ku jiraan carruur, haween iyo waayeel laga soo badbaadiyay halka uu ka dhacay weerarkaas.

Kooda Al-shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weerarkan.

Madal

XS
SM
MD
LG