Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Taliban oo 6 Qof ku Dishay Weerar Maanta Dhacay


Shan qof oo rayid ah iyo nin boolis ah ayaa la dilay kadib markii dagaalyahanada kooxda Taliban ay maanta weerar ku qaadeen xarunta maxkamad ku taalla bariga dalkaas.

Qof ismiiidaamiye ahaa ayaa marka hore isku qarxiyey banaanka maxkamadda Ghazni, kadibna saddex nin oo hubeysan ayaa galay gudaha maxkamadda.

Waxaa dhacay dagaal socday hal saac, ayada oo ugu dambeyn saddexda nin ay toogteen ciidamada boliiska.

Dhacdo taas ka duwanna, sarkala sare oo booliis ah ayaa lagu dilay saddex kalena waa ay dhaawacmeen, kadib markii ay baabuurkooda la kacday miino gobolka woqooyi ee Balkh.

Taliban ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarkan.

Maxkamadaha ayaa bartilmaameed u ahaa Taliban dhowaanahan, ayaga oo uga aargudanaya dil toogasho oo bishii tagtay lagu fuliyey 6 ka mid ah dagaalyahanada kooxdaas oo lagu helay inay ka dambeeyeen qarax bishii April lagu dilay 64 qof.

XS
SM
MD
LG