Isku xirrada

War Deg-Deg ah

US iyo UK oo Ammaanay Doorashada Somaliland


Mareykanka iyo Britain ayaa ammaanay doorashadii madaxweynanimo ee Somaliland, kuna sifeeyey mid inta badan si xor iyo xalaal ah u dhacday

Dowladaha Mareykanka iyo Britain ayaa soo dhaweeyey doorashadii 26-kii June ka dhacday Somaliland, waxayna ku sifeeyeen inay u dhacday inta badan si xor ah.

Ra'iisul wasaaraha cusub ee Britain, David Cameron, oo ka jawaabayay su'aalo ay weydiinayeen mudanayaal ka tirsan Golaha Baarlamaanka Britain, ayaa sheegay in dowladdiisu ay ammaneyso hannaanka ay doorashadaas u dhacday, wuxuuna sheegay in shacabka, dowladda, axsaabta siyaasaded iyo waliba guddiga doorashooyinku ay muujiyeen masuuliyad.

Sidoo kale, safaaradda Mareykanka ee magaalada Nairobi, oo iyadu dowladda Washington u qaabilsan amuuraha Soomaaliya, ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay, waxay ku sheegtay in Mareykanku uu ammaanayo sida nabad-gelyada iyo is-xilqaanka leh ee ay shacabka Somaliland u codeeyeen, una doorteen madaxweyne cusb.

Doorashadii madaxweynanimo ee 26-kii June ka dhacday Somaliland waxaa madaxweyne loogu doortay Axmed Siilaanyo, hoggaamiye xisbiga Kulmiye, iyadoo madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin-na uu qirtay in laga badiyey, isagoo ballan qaaday inuu si nabadgelyo ah xukunka ku wareejin doono.

Goobjoogayaal caalami ah oo kormeerayey doorashooyinka ayaa sheegay in, marka laga reebo woxooga khaladaad ah, in doorashadu ay inta badan u dhacday si xor ah oo cadaalad ah.

XS
SM
MD
LG