Dibad-baxayaasha Pakistan ee dalbanaya in la sii daayo ra'iisul wasaarihii hore ee dalka Imran Khan ayaa Talaadada maanta ah dilay afar ka mid ah ciidamada ammaanka, sida ay sheegtay dowladda, ayada oo dadkan isu soo baxay ay iska caabiyeen booliska oo ay xireen bartamaha caasimadda.
Kolonyada dibad-baxayaasha ah ee taageersan Khan ayaa ku socday Islamabad tan iyo Axadii, iyaga oo dhinac isaga riixay jidgooyooyinka loo dhigay, lana dagaalamay ciidamada booliska iyo kuwa milatariga oo adeegsanayey rasaasta rabadhka ah iyo sunta dadka ka ilmeysiisa.
In kasta oo la mamnuucay isu imaatinka dadweynaha, haddana saxafiyiin ka tirsan wakaaladda wararka ee AFP ayaa ku warramay in ay arkeen in ka badan toban kun oo mudaaharaadayaal ah oo ku sugnaa bartamaha Islamabad, galabnimadii Talaadada.
Qaarkood waxay ku hubaysnaayeen ulo iyo farganno, waxayna kaliya 1.6 km u jireen fagaare ku yaalla xeendaabka dawladda oo ay doonayaan inay qabsadaan.
Khan ayaa laga mamnuucay inuu u istaago doorashadii Febraayo oo ay hareeyeen eedeymo ku saabsan wax is-dabamarin, iyadoo ay garab socdeen daraasiin kiisas sharci ah oo uu ku andacooday in lagu xukumay si looga hortago soo laabashadiisa.
Hase yeeshee xisbigiisa Pakistan Tehreek-e-Insaf (PTI) ayaa gaashaanka ku dhuftay olole ay dowladdu waddo oo ay kaga hortageyso isku soo baxyada. Isu soo bixii Talaadada maanta ah ayaa ahaa kii ugu weynaa ee caasimadda tan iyo markii Khan la xiray Agoosto 2023.
"Tani ma aha dawladeena, dawladdani waxay ka kooban tahay khaa'inno," ayuu yiri Abdul Rashid oo ka mid ah dibad-baxayaasha oo u warramay AFP, isagoo wejigiisu daboolan yahay. "Ha noolaado Imran Khan," ayuu yiri
Dowladda ayaa sheegtay in dibad-baxayaasha ay afar askari oo ka tirsan ciidamada dowladda ku dileen caasimadda, ayaga oo ku jiiray gaari, waddo aada dhanka qeybta dowladda.
Sidoo kale, hal sarkaal oo boolis ah ayaa lagu dilay rabshado dhacay Isniintii.
"Qas-wadayaashan ah ma raadinayaan kacaan balse waxay raadinayaan dhiig daata," ayuu ra'iisul wasaare Shehbaz Sharif ku yiri bayaan uu soo saaray. "Kani maaha mudaaharaad nabadeed, ee waa xagjirnimo."
Madal